Category Archive : Warbixino

0

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland oo dhagax dhigay Kaydka miraha iyo abuurka Puntland.

  August 21, 2019

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada DPL Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa dhagax dhigay xarun lagu kaydinayo Abuurka beeraha Puntland, waxaana dhagax dhiga Kaydka Abuurka Beeraha ee Puntland oo ka dhacday deegaanka beeralayda ah ee Cuun  ka qaybgalay madax katirsan wasaaaradda, Maamulka degmada Garoowe iyo Madaxda hay’adda gargaarka iyo hormarinta  Kaalo.

0

Wasaarada Deegaanka iyo UNDP oo Burjikooyin ka qaybiyey magaalada Badhan.

  April 29, 2019

Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL oo kaashanaysa hay’adda UNDP oo qayb ka mashruuca yaraynta isticmaalka iyo ka ganacsiga dhuxusha ayaa magaalada Badhan ka qaybsi Burjikooyinka dhuxusha yareeya kuwaas oo ay u qaybisay qaarkamid ah haweenka ganacsiga yaryar ku haysta magaalada Badhan.

0

Wasaarada Deegaanka oo dhagax dhigtay mashaariic Cusub.

  April 20, 2019

Wasaarada Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa maanta si rasmi ah u bilowday mashruuc cusub oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa awooda bulshada ee la qabsiga iyo u adkaysiga abaaraha soo noqnoqda, Mashruucan oo ka kooban dhismayaasha 5 Biyo-Xireen oo waawayn, dayactirka iyo Habaynta in kabadan 25-Barkadood & Xiritaan iyo dib u habayn lagu samaynayo dhulka daaqsimeedka gaar ahaana dhulka ay saameeyeen Boholuhu.

0

Wasiirka cusub ee Wasaarada Deegaanka oo xilkii la wareegay.

  February 17, 2019

Wasiirkii hore ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada DPL mudane, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradda Deegaanka ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, isbedelka cimilada, Beeraha iyo Waraabka DPL mudane, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana xaflada Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada iyadoo ay ka qaybgaleeen Wasiirkii hore ee wasaarada Deegaanka Mudane Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Mudane, Daahir Xaaji Khaliif, wasiir kuxigeenadii hore ee wasaarada Deegaanka iyo madaxda cusub ee wasaaradda.