Category Archive : Warka

0

Wasiirka Deegaanka oo booqday Jaamacada Boosaaso.

  March 1, 2020

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka,Beeraha iyo isbedelka Cimilada Prof. Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo masuuliyiin kale oo kamid wasaaradda ayaa maanta booqday Jamacada Boosaso University xarunteeda dhexe ee magaalada Boosaaso gaar ahaan kuliyada Beeraha iyo Xanaanada xoolaha.

0

Wasaaradda Deegaanka iyo Beeraha oo ka qaybqaadatay bandhiga ganacsiga Puntland.

  February 17, 2020

Wasaaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dawlada Puntland oo kaashanaysa iskaashatada beeralayda Puntland ayaa ka qayb qaadatay Carwada bandhiga ganacsiga Puntland oo maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, Waxaana uu bandhigani ahaa mid muhiim ah oo lagu soo bandhigay kobaca iyo hormarka dhaqaalaha ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

0

Xarunta xakamaynta Ayaxa ee Soomaaliya oo laga dhagax dhigay Qardho.

  February 5, 2020

Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar gaaray wafti isugu jiray wasiirada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL, wasiirka Beeraha ee Soomaaliya iyo madax ka socotay hay’adda beeraha aduunka ee FAO kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

0

Wasaaradda Deegaanka oo xariga ka jartay biyo Xireeno cusub.

  January 28, 2020

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Gudoomiyaha Gudiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Puntland Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed, kuxigeenkiisa Xildhibaan Xusseen Axmed Nuur, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Deegaanka iyo Warfaafinta & Maamulka degmada Burtinle ayaa kormeer kusoo sameeyey tayada iyo qaab dhismeedka mashaariic biyo xireeno ah oo ay wasaaradda Deegaanka oo kaashanaysa hay’adda GIZ ka fulisay deegaanada Burtinle, Faratooyo iyo Farjano.