0

Warka

Madaxweyne kuxigeenka DPL oo Daahfuray Biyo Xireen cusub

24th December 2019 at 8:30 am By

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uu weheliyo Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa daah-furay biyo xireen laga hirgaliyay deegaanka Laac-dheere ee duleedka Garoowe, Biyo xireenkan ayaa waxaa hirgalisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Cimilada Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Islamic Relief.

Wasiirka wasaaradda Deegaaka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka hadlay madashii xariga looga jarayey biyo-xireenkan ayaa sheegey in wasaarada Deegaanku ay xilwayn iska saartay sidii looga faa’iidaysan lahaa biyaha Roobka islamarkaasna hoos loogu dhigi lahaa xaalada biyo-la’aanta, haraadka iyo daaqyarida ee Puntladn, Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Deegaanku ay sii laba jibaarayso howlahan culus ee ay bulshadeeda u hayso.

Madaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay iyo hirgalinta biyo xireenkan, waxaana uu ku tilmaamay mid muhiim u ah dadka iyo duunyadaba isagoo wasaaradda Deegaanka iyo bahwadaagteedaba ugu mahadceliyey howlaha culus ee ay bulshada u hayaan.

Leave a Reply