0

Charcoal Awareness / Dhacdoyinka / Proscal / Warka

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xariga ka jaray Biyo-xireen cusub oo ay wasaaradda Deegaanku dhistay.

28th May 2019 at 10:25 am By

Madaxwayne ku xigeenka puntland Axmed Cilmi Cismaan oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasarada Deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Wasiir kuxigeenka wasaarada Iyo agaasimaha guud Ayaa manta Xariga Jar War Ay biyihu fariistan qaab casri ah looga dhismay deeganka salaxley ee degmada Garoowe kaga beegan dhanka koonfureed…..

mashruuc kayd ka biyaha iyo Biyo Xireenka isugu jira waxaana maaglisay Mashruuca GEF iyo Hayada UNDP waxaa dhistay shirkad maxali ah waxaana maaraynta mashrucaas lahayd wasaarada. deganka beeraha iyo isbedelka cimilada,

Mashrucan ayaa noqonaya mid ay ka faaidaysayan dadka deganka aya waxaa dhismihiisa gacan wayn ka gaysta wasaaraad beeraha deeganka iyo isbedelka cimilada ee puntland oo waxana mashrrucay ay wada fuliyen wasaarada iyo hayadaha UNDP Iyo GEF Wasaarada Deegaanka puntland ayaa waxaa ay meelo badan oo puntland ah ka fulisay waro biyoodyo lakin wartan aya ah mid gabi ahaanba ka duwan kuwii hore waxana lagu sameyey biyo qabatin iyada oo hoose loo qoday 4 mitir waxana hada buux dhaafiyey biyo kadib roob mahiigan ah oo halkaas ka da’ay.

Masuulinta halkaaas ka qayb galay waxa ka mid ahaa gduoomiayaha gobolka nugaal, Gudomiye ku xigeenka degmada garoowe, madax ka socotay hayada UNDP, Masuuliyinta degaanka, shirkada fulisay mashruucan xildhibaano iyo masuuliyiin kale waxana madaxdii halkaas ka halday a sheegeen in mashruucani uu yahay mid muhiimad wayn u leh dadka iyo duuniyada ku dhaqan deegankaasi waxana loogu baaqay dadka deganka inay ilaashadan wartaan biyihu fariisan ee laga hirgaliyey deeganka salaxley,

Wakhtiyada abaaraha ayaa deegano badan oo ka mid ah dhulka somalida waxa ka dhaca abaaro iyo biyo la’aan baahansan oo saamaysa dadka iyo duunyada xiliga barwaaqada oo ay da’aan roobabka waxaa iskayar ka faaidaysiga roobka wasaararada beeraha deeganka iyo isbedelka cimilada ayaa wada qorshayaal dhowr ah oo looga faaidaysanaayo biyaha roobka si loo yareeyo biyo la’aanta iyo oonka wasirka wasaarada ayaa balan qaaday inay mashruucan ilaalin doonan asaga dhanka kale digniin u diray dadka samaysta seerayaasha ugu baaqay in la duminayo dhamaan seerayaasha sharcidarada ah ee laga hirgaliyey puntland.

Leave a Reply