0

Wasaarada Deegaanka Puntland oo Aqoon korarsi ku saabsan maaraynta arimaha Deegaanka u kaxaysay qaar kamid ah bulshada Xarfo Iyo Burtinle.

  July 25, 2019

Wafti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL mudane, Maxamed Xassan Ciise ayna kamidyihiin saraakiil ka tirsan Wasaaradda,  odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo qaybo kaladuwan oo kamid ah bulshooyinka kunool deegaamada Jalam iyo Xarfo ayaa booqday degmooyinka Eyl, Dhahar iyo Iskushuban kuwaas oo mudo asbuuc ah kulamo la qaadanayey qaybaha kaladuwan ee bulshada.

0

Wasiirka Deegaanka oo xariga ka jaray Biyo Xireen cusub.

  July 20, 2019

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, DPL mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasimaha wasaarada Qorshaynta iyo iskaashiga caalmiga ah ee Puntland, xildhibaano iyo xubno kale oo katirsan dawlada Puntland ayaa xariga ka jiray War-Biyood ay hay’adda Salaam Development center “SDC” oo kaashanaysa bulshada Deegaanka Ilma-adeer iyo Hay’ada WFP ka sameeyeen isla deegaanka Ilma-Adeer oo ka tirsan degmada Garoowe ee caasimada Puntland.

0

WASAARADDA DEEGAANKA OO WACYIGELIN KU SAABSAN BAAHINTA SHURUUCDA IYO XEERARKA DEEGAANKA KU QABATAY BUURTINLE IYO XARFO.

  July 18, 2019

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Punntlan ayaa magaalooyinka Buurtinle iyo Xarfo ku qabatay shirar wacyigelin ah oo ku saabsan baahinta shuruucda, siyaasadaha iyo xeerarka deegaanka ee ay diyaarisay wasaarada Deegaaka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, shirarkaas ayaa waxaa loo qabtay qaybaha kaladuwan ee bulshada gaar ahaana dadka kudhaqan deegaanada hoosyimaada degmooyinkaas iyo Miyigaba.

0

Wasiirka Wasaarada Deegaanka oo kormeer kutagay Biyo-xireeno wasaaradu dhisayso.

  July 13, 2019

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL mudane, Ismaaciil Diiiriyey Gama’diid iyo wafti uu hogaaminayo oo ay kamid tahay wasiir kuxigeenka wasaaradda Faa’isa Cali Ismaaciil iyo qaarkamid ah agaasimeyaasha wasaarada Deegaanka ayaa kormeer ku tagay goobo kaladuwan oo ay wasaaraddu ka wado shaqooyin isugujira biyo xireeno iyo hagaajinta Dhul daaqsimeedka.

0

Wasaarada Deegaanka iyo UNDP oo Burjikooyin ka qaybiyey magaalada Badhan.

  April 29, 2019

Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL oo kaashanaysa hay’adda UNDP oo qayb ka mashruuca yaraynta isticmaalka iyo ka ganacsiga dhuxusha ayaa magaalada Badhan ka qaybsi Burjikooyinka dhuxusha yareeya kuwaas oo ay u qaybisay qaarkamid ah haweenka ganacsiga yaryar ku haysta magaalada Badhan.

0

Wasaarada Deegaanka oo dhagax dhigtay mashaariic Cusub.

  April 20, 2019

Wasaarada Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa maanta si rasmi ah u bilowday mashruuc cusub oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa awooda bulshada ee la qabsiga iyo u adkaysiga abaaraha soo noqnoqda, Mashruucan oo ka kooban dhismayaasha 5 Biyo-Xireen oo waawayn, dayactirka iyo Habaynta in kabadan 25-Barkadood & Xiritaan iyo dib u habayn lagu samaynayo dhulka daaqsimeedka gaar ahaana dhulka ay saameeyeen Boholuhu.