0

Warka

Shir ku saabsan wadatashiga Shuruucda maaraynta Khayraadka dabiiciga ah oo lagu qabtay Garoowe.

2nd March 2020 at 9:10 am By

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa magaalada Garoowe ku qabatay shir wadatashi ah oo ku saabsan Maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah iyo fulinta heshiisyada caalamiga ah ee maamulka Khayraadka ah.

shirkaan waxaa kasoo qaybgalay madaxda Wasaaradda Deegaanka, saraakiil ka socotay hay’adaha iyo laamaha kaladuwan ee Dawlada Puntland, UNDP iyo khuburo ku takhakhustay arimaha Deegaanka, waxaana si wayn loogu fala qeeyey heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay horey u saxiixda sida heshiiskii “RIO” heshiiska caalamiga ah ee yaraynta xaalufka Deegaanka, heshiiska isbedelka cimilada Aduunka iyo heshiisyo kale oo Caalami ah kuwaas oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Musse Ducale madaxa UNDP ee Garoowe oo ka hadlay furitaankii shirkaan ayaa sheegey in ay muhiim tahay in Puntland ay ka qaybqaadato fulinta heshiisyada iyo baaqyada Caalamiga ah waxaana uu sheegey in ay rajaynayaan in qaybaha kaladuwan ee wasaaradaha, hay’adaha dawlada, arydada Jaamacadaha iyo hay’adaha madaxa banaanba ay iska kaashadaan sidii loo fulin lahaa heshiisyada caalamiga ah ee maaraynta Khayraadka Dabiiciga ah ku saabsan.

Prof. Ismaaciil Diiriyey Gamadiid wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL oo shirkaan furay aya ugu baaqay ka qaybgalayaasha shirkaan in ay doorwaynka qaataan fulinta heshiisyadan waxaana uu sheegey in dawlada Puntland ay xilwayn iska saari doonto heshiisyada caalamiga ah ee maaraynta Khayraadka Dabciiga ah.

Leave a Reply