0

Warka

Tababar ku saabsan samaynta Cilmi barista tayeynta beeraha Puntland oo Garoowe ka furmay.

10th March 2020 at 6:34 am By

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ka furmay Tababar ku saabsan u kuur gelida iyo samaynta cilmi baarista tayeynta wax-soo saarka beeraha Puntland kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Deeganka,Beeraha iyo isbedelka Isbedelka cimilada Puntland oo kaa shanaysa Haya”ada CEFA iyo machadka cilmi baarsita SADAR institute.

Tababarkaan waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socday hay’adda CEFA, saraakiil ka socotay wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ee bahwadaagta la ah wasaaradda Deegaanka iyo Beeraha, Arydada jaamacadaha, aqoonyahano ku xeeldheer beeraha, iskaashatooyinka beeraha ee gobolada kaladuwan ee Puntland, Hay’adaha wadaniga ah ee ku foogan beeraha iyo ka qaybgalayaal kaladuwan waxaana lagu falanqeeyey sidii loo samayn lahaa qiimayn ku salaysan cilmi baaris oo lagu sameeyo tabaca beeraha ee Puntland.

Furitaankii tababarka ayaa lagu soo bandhigay ujeedada, baahinta iyo iskudabaridida xog uruurin ay hay’ada SADAR ku samaynayso Puntland oo lagala tashanayo daneeyeyaasha beeraha Puntland iyadoo lagu ogaanayo xaalada beeraha Puntland iyo Sidii beeralayda Puntland loo hormarin lahaa islamarkaasna loogu rari lahaa beeraha Puntland habka casriga ah ee Tiknoolajiyada aduunka waafaqsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” oo furay tababarkaan ayaa ka qaybgalayaasha tababarkan kula dardaarmay inay ka qaybqaataan xog uruurinta beeraha Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa beeraha Puntland, Agaasimuhu wuxuu sheegey in wasaaradda Deegaanku ay isku howshay sidii loo samayn lahaa cilmi baarisyo kaladuwan oo lagu samaynayo wajahaada wanaagsan ee beeraha Puntland.

Leave a Reply