0

Warka

Wafti ka socda wasaarada Deegaanka oo booqday deeegano hoosyimaada degmada Eyl.

31st July 2019 at 8:58 am By

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa booqday deegaanada Aftogweyne iyo Gubato oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waftiga wasiirka oo booqasho labo cisho qaadatay deegaanadaas kusoo maray waxaa waftigiisa kamid ahaa agaasimaha guud Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimeyaal ka tirsan waaxyaha wasaaradda iyo qaarkamid ah odayaasha dhaqanka ee deeganadaas.

Waftiga wasiirka ayaa u kuurgalayey xaalado ka dhashay roobabkii daadadka watay ee dhawaan ka da’ay gobolada Puntland kuwaas oo deegaanadaas ka jeexay boholo waawayn oo saamayn ku yeesha isku socodka bulshada, daaqsinta iyo marida deegaanadaas.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa soo indha-indheeyey baaxada khasaaraha ka dhacay deegaanadaas, waxayna sidoo kale kulamo la qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo maamulka deegaanadaas waxaana dhanka kale ay soo indho-indheeyey arimaha bulshada iyo hormarinta deegaanadaas ay u baahanyihiin, Wasiirka ayaa booqashadiisa markii uu soo dhamaystiray bulshada deegaankaas u balanqaaday in si degdeg ah ay wasaaradu wax uga qabanayso baahiyaha bulshada gaar ahaana dhibaatooyinka dhanka deegaanka iyo dhuldaaqsimeedka kuyimid.

Leave a Reply