0

Charcoal Awareness / Dhacdoyinka / Mashaariicda / Proscal / Warka

Wariyeyaasha Puntland oo lagu tababaray tebinta wararka Deegaanka la xariira.

12th December 2018 at 3:44 pm By

Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada DPL oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa maanta tababar ku saabsan habka wanaagsan ee tabinta warbixinada la xiriira arimaha Deegaanka u furtay wariyeyaal ka kalayimid qaybaha kaladuwan ee Warbaahinta magaalada Garoowe.
Gudoomiyaha ururka Warbaahinta Puntland ee MAP Mudane, Maxamed Daahir Caynsane oo ka hadlay furitaankii tababarkaan ayaa sheegey in ay rajaynayaan in wax wanaagsan lagu barto tababarka islamarkaasna waxa uu sheegay in ay qorshaynayaan in wariyeyaasha loo sameeyo xirfado wartabineed oo gaar ah islamarkaasna la helo wariyeyaal leh xirfado khaas ah oo ay sifiican u bartaan.

Muuse Ducaale oo katirsan hay’adda UNDP ayaa sheegey in Saxafiyiinta tababarkaan lasiinayo loo baahanyahay inay ka qaybqaataan hormarinta iyo badbaadinta dalka islamarkaasna ay waxyaalaha ay ka faa’iidaystaan tababarkaan ay gaarsiiyaan saaxiibadooda kale ee warbaahinta.

Tababarkaan ayaa waxaa u furay agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka DPL Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” waxaana uu ka qaybgalayaasha tababarkaan ugu baaqay inay muujiyaan doorka wanaagsan ee ay warbaahintu ka qaadan karto sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatooyinka kajira Deegaanka.

Leave a Reply