0

Dhacdoyinka / Warka

Wasaarada Deegaanka iyo PHA oo kawada hadlay Bacaad dhibaato ku haya wadada Garacad iyo Jariiban.

24th August 2019 at 5:25 pm By

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadid iyo Kusimaha Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka PUNTLAND Cabdirasaaq Maxamed Xayir iyo Khuburo ka socota hay,adda PHA ayaa maanta kullan looga tashanayo sidii wax looga qaban lahaa Ciid Bacaad ah oo xirtey wadada xiriirisa degmada Jariiban iyo Deegaan xeebeedka Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Kulankaan ayaa ka dambeeyay ka dib socdaalkii maalmo ka hor wafti uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdirasaaq Maxamed Xayir ku tagey deegaano ka tirsan Gobolladda Mudug,Nugaal iyo Karkaar waxaa ka mid ah baahida lagu soo ogaaday waxqabad degdeg ah oo ay u baahan tahay furida bacaadka xiray isu socodka deegaanada Jariiban iyo Garacad.

Labada dhinac ayaa  isla qaatay in si degdeg ah qaylodhaan looga soo saaro xaalada Wadadaas islamarkaasna golayaasha dawlada Puntland lala wadaago xaallada deegaankaas kasoo cusboonaatay.

Leave a Reply