0

Charcoal Awareness / Mashaariicda / Proscal / Warka

Wasaarada Deegaanka iyo UNDP oo shirweyne Wacyigelin ah ku qabtay Garoowe.

23rd December 2018 at 4:38 pm By

Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada DPL ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay shirweyne wacyigelin ah oo ku saabsan yareynta Isticmaalka Dhuxusha, Shirkaan ayaa socon doona mudo labo cisho ah waxaana Wasaaradda Deegaanka qabanqaabadiisa kala qaybqaadatay Hay’adda UNDP.


Shirkaan wacyigelinta ah ayaa loo qabtay qaybaha kaladuwan ee bulshada waxaana ka qaybgalay Odayaal iyo Waxgarad ka kalayimid Degmooyinka kaladuwan ee Puntland iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Garoowe, Burtinle, Boocame, Widhwidh, Buraan, Xiingalool, Dangorayo iyo Dhahar, Waxaana sidoo kale shirka Joogay qaarkamid ah Gudoomiyeyaasha gobolada Puntland iyo Wasiiro katirsan dawlada Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada DPL Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa sheegey in shirkani uu muhimad wayn u leeyahay Deeganka islamarkaasna mudada uu socdo ay rajaynayaan inay kasoo baxaan qodobo kusaabsan sidii loo yarayn lahaa isticmaalka dhuxusha iyadoo la adeegsanayo habab casri ah.

Gudoomiyeyaasha qaarkamid ah degmooyinka iyo gobolada Puntland oo shirka ka hadlay ayaa Wasaarada Deegaanka uga Mahadceliyey abaabulsha shirkaan iyo sida ay wasaaradu ugu mashquulsantahay ilaalinta Deegaanka iyo ladagaalanka Xaalufka waxaana ay sheegeen in Wasaarada Deegaanka ay kamid tahay wasaarada sida gaarka ah ula shaqeeya guud ahaan degmooyinka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo isgaarsiinta DPL Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo kusimaha Wasiirka arimaha Gudaha Iyo dawladaha hoose Mudane, Cabdullaahi Xaashi Qoobdeero oo Iyana shirka ka hadlay ayaa dhankoda sheegey in ay dyaar ulayihiin Wasaaradda Deegaanka inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa isticmaalka dhuxusha iyadoo laga fogaanayon Xaalufka iyo Baaba’a ka jira Deegaankeena.

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada DPL mudane, Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo shirka si rasmi ah u furay ayaa u mahadceliyey Ka qabgalayaasha shirka waxaana uu sheegey in Wasaaradda Deegaanku ay siwayn ugu mashquulsantahay sidii ay usii labo-jibaari lahayd howlaha culus ee ay ka hayso ilaalinta Deegaanka, Bulshada Puntladn ayaa uu Wasiirka Deegaanku ugu baaqay inay xil iska saaraan dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka ooo uu Xaalufka dhirta iyo Isticmaalka Dhuxusha Xad-dhaafka ah ay ugu wayntahay.

Leave a Reply