0

Dhacdoyinka / Warka

Wasaarada Deegaanka, Nabadoonada gobolka Nugaal iyo Maamulka gobolka oo kawada hadlay Xirmaysiga, Daaqsinta iyo badbaadinta dhulka.

28th August 2019 at 8:20 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimiliada Prof,Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo nabadoonada gobolka Nugaal waxaana shirkaan oo looga hadlayey arimaha ilaalinta deegaanka, ka hortaga xaalufka, ilaalinta dhuldaaqsimeedka iyo arimo kale oo muhiim ah ka qaybgalay Maamulka gobolka Nugaal iyo xildhibaano kamid ah golaha shacabka ee Puntland kuwaas oo laga soo doorto gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa mudadii uu socday waxaa sifiican la isaga waraystay xaalada dhuldaaqsimeedka iyo xaalufka sii kordhaya kaas oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada, sidoo kale waxaa shirka lagu lafaguray magaalooyinka iyo tuulooyinka sida qorshe la’aanta ah ugu fidaya dhuldaaqsimeedka kuwas oo saamayn togan ku yeeshay hab maalmeedkii cuntada ee xoolaha iyo duurjoogta, Wada hadalo dheer kadib waxay dhinacyadu isla qaateen in si degdeg ah wax looga qabto xaalada dhul daaqsimeedka iyadoo la sameyey gudiyo ka shaqeeya arimahaan.

Leave a Reply