0

Dhacdoyinka / Mashaariicda / Warbixino / Warka

Wasaarada Deegaanka oo dhagax dhigtay mashaariic Cusub.

20th April 2019 at 9:59 am By

Wasaarada Deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa maanta si rasmi ah u bilowday mashruuc cusub oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa awooda bulshada ee la qabsiga iyo u adkaysiga abaaraha soo noqnoqda, Mashruucan oo ka kooban dhismayaasha 5 Biyo-Xireen oo waawayn, dayactirka iyo Habaynta in kabadan 25-Barkadood & Xiritaan iyo dib u habayn lagu samaynayo dhulka daaqsimeedka gaar ahaana dhulka ay saameeyeen Boholuhu.

Mashruucan waxaa wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ka taageeraysa hay’adda Iskaashiga iyo hormarinta u qaabilsan dawlada Jarmalka ee GIZ waxaana uu qayb ka yahay dib u habaynta iyo dayactirka wadada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, Mashruucan ayaa laga fulin doonaa Deegaanada u dhexeeya degmooyinka Jalam iyo Xarfo.

Dhagaxdhiga Mashruucan ayaa waxaa maanta lagu qabtay duleedka magaalada Burtinle waxaana ka qaybgalay Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo ay weheliyeen Wasiir kuxigeenka wasaaradda, Wasiiru-Dawlaha Wasaarada, agaasimaha Guud ee wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Maamulka degmada Burtinle madax ka socota GIZ iyo xuno kale.

Gudoomiyaha Degmada Burintle Maxamed Maxamuud Axmed Buurdibi ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Deegaanka oo mudo dheer kuhowlanayd howsha mashruucan islamarkaasna dadaal badan ku bixisay sidii mar un loo bilaabi lahaa Mashruucan waxaana uu sheegey inay siwayn ugu baahnaayeen howlaha la xiriira qabatinka Biyaha iyo balaarina awooda Bulshada ee dhanka la qabsiga Abaaraha gaar ahaana Biyo-yarida iyo hormarina dhuldaaqsimeedka.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa dhankiisa u mahadceliyey hay’adda GIZ oo ay mudo dheer isla soo wadeen howsha diyaarinta iyo iskudabaridka Mashruucan muhiimka u ah nolosha Bulshada, Wasiirku wuxuu dadweynaha reer Puntland gaar ahaana bulshada deegaanadooda laga fulin doono Mashruucan ka codsaday in ay ilaaliyaan mashruucan diyaarintiisa iyo sidii loo fulin lahaa howsha badan laga soo maray waxaana uu sheegey in bulshada looga baahanyahay inay dareemaan Lahaanshiyo islamarkaasna ay ilaashadaan kaabayaasha muhiimka ah ee mashruucu uu dhisi doono

Leave a Reply