0

Warka

Wasaaradda Deegaanka & Beeraha oo la kulanta Bulshada Ballay.

7th February 2020 at 6:54 am By

Waxaa maanta deegaanka Balay ee degmada Garoowe si wadajir ah u booqday maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiinta wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL.

masuuliyiintan oo uu hogaaminayey agaasimah guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, waxaana waftiga kamid ahaa agaasimeyaal katirsan wasaarada deegaanka, xildhibaano katirsan golaha Deegaanka Garowe iyo Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Nugaal waxaa deegaanka Balay ku casumay cullimada deegaankaas iyagoo uga xog bixiyey xaalada Deegaanka gaar ahaana dhibaatooyinka deegaankaas ka haysta Dhanka Daaqa, Biyaha, Beeraha iyo Boholo deegaanka ka samaysmay, masuuliyiintii deegaankaas booqday ayaa balan qaaday inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan tabashada bulshada Balay.

Leave a Reply