0

Warka

Wasaaradda Deegaanka iyo Beeraha oo ka qaybqaadatay bandhiga ganacsiga Puntland.

17th February 2020 at 6:43 am By

Wasaaradda Deeganka,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dawlada Puntland oo kaashanaysa iskaashatada beeralayda Puntland ayaa ka qayb qaadatay Carwada bandhiga ganacsiga Puntland oo maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, Waxaana uu bandhigani ahaa mid muhiim ah oo lagu soo bandhigay kobaca iyo hormarka dhaqaalaha ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay bandhiga uga qaybqaadatay waxsoosaarka beeraha Puntland gaar ahaana Beeyada iyo xabagta Puntland oo Puntland ay kamid tahay meelaha kooban ee laga helo, Waxaana ay tani soo jiidatay inta badan ka qaybgalayaashii bandhigan muhiimka ah.

Leave a Reply