0

Warka

Wasaaradda Deegaanka iyo UNDP oo kawada hadlay qorshaha howlaha 2020

26th February 2020 at 7:15 am By

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL ka dhacay shir ay yeesheen madaxda wasaaradda deegaanka iyo madax sare oo ka socotay Barnaamijka hormarinta u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNDP.

Shirkaan oo uu shirgudoominayey wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL, waxaa ka qaybgalay wasiir kuxigeenada wasaaradda, agaasimaha guud, lataliyeyaasha iyo saraakiil ka socotay xafiiska UNDP ee Soomaaliya waxaana lagu qiimaynayey barnaamijyadii horey ay uwada fuliyeen wasaaradda iyo UNDP, dib u eegista mashaariicda ay wada fuliyeen labada dhinac iyo sidii loo bilaabi lahaa mashaariic kale oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada & Hay’adda UNDP.

Shirka waxaa looga hadlay sidii kale sidii UNDP iyo wasaaraddu ay isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhuldaaqsimeedka, hormarinta iyo awoodsiinta bulshada Puntland ee la tacaalida isbedelka cimilada, ufududeynta bulshada Puntland ee badiilka dhuxusha gaar ahaana hormarinta dhanka tamarta iyo Gaasaska cunada lagu karsado iyo arimo kale oo muhiim ah waxaana la isku afgartay in dhamaan shaqooyinkaas labada dhinac ay u wada bilaabaan.

Leave a Reply