0

Warka

Wasaaradda Deegaanka oo xariga ka jartay biyo Xireeno cusub.

28th January 2020 at 7:52 am By

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Gudoomiyaha Gudiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Puntland Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed, kuxigeenkiisa Xildhibaan Xusseen Axmed Nuur, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Deegaanka iyo Warfaafinta & Maamulka degmada Burtinle ayaa kormeer kusoo sameeyey tayada iyo qaab dhismeedka mashaariic biyo xireeno ah oo ay wasaaradda Deegaanka oo kaashanaysa hay’adda GIZ ka fulisay deegaanada Burtinle, Faratooyo iyo Farjano.

Mashaariicdan biyo xireenada ah ayaa ah kuwo loo dhisay qaab casri ah islamarkaasna leh qaybihii kaydka biyaha, Darar Xooluhu ka cabaan, halkii dadku ka cabi lahaayeen iyo qaybo loogu talagalay in Ugaarta iyo Duurjoogtu ay ka cabto taas oo qayb ka ah mashruuca Xoojinta Bulshada ee u Diyaargarowga iyo u Adkaysiga Abaaraha.

Leave a Reply