0

Warka

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka oo xilkii la wareegtay.

30th November 2019 at 8:00 am By

Wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Marwo. Sucaad Saalax Nuur ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaarada ugala wareegtay wasiiru-dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka golayaasha DPL Mudane, Maxamed Xassan Ciise oo xilka wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka dhawaan laga badalay kadib markii madaxweynaha DPL Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uu iskushaandhayn kooban kusameeyey golaha xukuumada.

Xaflada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka ayaa waxaa labada masuul xilka u kala wareejiyey Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, waxaana sidoo kale xilwareejinta goobjoog ka ahaa wasiiru-dawlaha wasaarada, agaasimaha Guud, agaasimeyaasha waaxyaha, La taliyeyaasha wasaaradda, Madaxqaybeedyo katirsan shaqaalaha Wasaaradda iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada DPL.

Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada, agaasimaha guud, wasiiru-dawlaha wasaaradda iyo Agaasimeyaasha waaxyaha qaarkood oo wasaaradda magaceeda ku hadlayey ayaa u mahadceliyey wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda Mudane, Maxamed Xassan Ciise oo imika noqday wasiiru-dawlaha madaxtooyada ee xiriirka golayaashaa mudadii uu wasaarada ka shaqaynayey iyagoo sheegay in uu shaqo wanaagsan wasaarada kasoo qabtay iyagoo dhanka kalena soo dhaweeyey Wasiir kuxigeenka cusub ee wasaarada Marwo, Sucaad Saalax Nuur oo ay sheegeen in ay ka rajaynayaan in khibradeeda iyo aqoonteedaba ay uga faa’iidayn doonto Wasaaradda.


Wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda Marwo, Sucaad Saalax Nuur ayaa horay u ahayd wasiirkuxigeenka duulista hawada iyo Garoomada DPL xilkaas oo ay ka haysay xukuumadda hada jirta iyo dawladii ka horaysayba waxaana ay kamid tahay xubnaha ugu firfircoon golaha wasiirada.

Leave a Reply