0

Warka

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha oo booqday xarunta Wasaaradda ee Boosaaso.

18th February 2020 at 6:38 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo wasiir kuxigeenka wasaarada Sucaad Saalax Nuur ayaa kormeer shaqo kutagay xafiisyada Deegaanka iyo Beeraha ee kuyaala magaalada Boosaaso.

Wasiirada ayaa soo indha-indheeyey xarumaha kaladuwan ee wasaaraddu ay kuleedahay magaalada Boosaaso waxaana ay u kuurgaleen shaqooyinka ay hayaan madaxda heerka gobol ee wasaaradda.

Waftigu waxay sidoo kale booqdeen xarunta kobcinta dhirta ee wasaaradda Deegaanka iyo xarunta hormarinta Beeraha ee wasaaraddu ay kuleedahay Boosaaso waxaana ay la kulmeen shaqaalaha kaladuwa ee wasaaradda uga howlgala goobolka Bari kuwaas oo ay ku dhiirigeliyeen inay sii laba jibaaraan howlaha shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Leave a Reply