0

Dhacdoyinka / Mashaariicda / Warbixino / Warka

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland oo dhagax dhigay Kaydka miraha iyo abuurka Puntland.

21st August 2019 at 9:47 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada DPL Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa dhagax dhigay xarun lagu kaydinayo Abuurka beeraha Puntland, waxaana dhagax dhiga Kaydka Abuurka Beeraha ee Puntland oo ka dhacday deegaanka beeralayda ah ee Cuun  ka qaybgalay madax katirsan wasaaaradda, Maamulka degmada Garoowe iyo Madaxda hay’adda gargaarka iyo hormarinta  Kaalo.

Prof, Maxamuud Sheekh Xaamid gudoomiyaha hay’adda Kaalo oo ka hadlay dhagax dhiga xarunta kaydka abuurka beeraha Puntand ayaa sheegey in xaruntan si degdeg ah loo dhisi doono islamarkaasna ay rajaynayaan in ay waxbadan ka badasho hormarka beeraha Puntland ayna ka faa’iidaystaan beeralaydu, gudoomiyuhu wuxuu sheegey in sidoo kale xarunta ay bacrimin doonto Abuurka islamarkaasna ay keeni doonto in beeraha lagu bacrimiyo Abuur wanaagsan oo nafaqo leh.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo si rasmi ah u dhagaxdhigay xaruntan ayaa sheegey in ay xaruntani ay tahay tii ugu horaysay ee Puntland laga sameeyo islamarkaasna ay ka qaybqaadanayso helista abuur tayo leh oo caafimaad qaba, Wasiirku wuxuu sheegey in ay sidoo kale samayn doonaan qayb lagu hubiyo caafimaadka iyo tayada abuurka Beeraha ee laga keeno dalka dibadiisa.

Leave a Reply