0

Dhacdoyinka / Warka

Wasiirka Deegaanka oo booqday Beeraha Boocame.

1st August 2019 at 9:28 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo kusugan degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa booqashooyin uu ugu kuurgalayo xaaladahooda ku kala baxshay Beeraha magaalada Boocame, Xarunta dhirta lagu kobciyo ee degmada Boocame ay ku leedahay wasaaradda Deegaanka iyo Xafiiska ay wasaaradda Deegaanku ka dhisatay Degmada Boocame oo si wanaagsan halkaas uga shaqeeya.

Booqashada Wasiirka waxaa ku weheliyey Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Puntland, Xubno ka socday xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka iyo maamulka degmada Boocame Waxaana uu warbixino kaladuwan ka dhagaystay Maamulka heer gobol ee wasaaradda Deegaanka u qaabilsan gobolka Sool iyo Maamulaha Degmada Boocame ee wasaarada Deegaanka.

Wasiirka ayaa boooqashooyinkaas kaladuwan kadib sheegey in Wasaaradiisu ay balaarin doonto siyaasadeeda ku saabsan hirgalinta xafiisyada heer degmo ilaa heer tuulo iyo xiriirka wada shaqayneed ee ay la leedahay bulshada Puntland.

Leave a Reply