0

Dhacdoyinka / Mashaariicda / Warka

Wasiirka Deegaanka oo booqday Boholo ka dilaacay Nugaal.

24th August 2019 at 10:35 am By

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Prof, Ismaaciil Diiiriye Gamadiid  oo ay weheliyaan agaasimeyaal iyo Injineero ka tirsan Wasaarada Deegaanka, Maamulka degmada Garoowe iyo xubno kale ayaa booqday Deegaanka Caano-yaskax ee gobolka Nugaal halkaas oo ah dhul beeralay ah dhawaana ay ka dilaaceen boholo saamayn weyn ku yeeshay dhul-daaqsimeedka iyo wadooyinka deegaankaas.

Wasiirka ayaa soo arkay xaalada bohalahaas waxaana uu warbixino ka dhagaystay qaybo kamid ah bulshada deegaanka iyo odayaasha kuwaas oo ka warbixiyey heerka ay marayaan boholaha deegaankaas ka dilaacay iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay ku hayso bulshada.

Injineerada wasaarada ayaa soo qiimeeyey xaalada Boholahaas iyo waxyaalaha laga qaban karo waxaan ay wasaaraddu dhawaan degdeg u bilaabi doontaa hakinta boholahaas iyo dhismaha boholaha si loosoo nooleeyo dhuldaaqsimeedka.

Leave a Reply