0

Dhacdoyinka / Mashaariicda / Warka

Wasiirka Deegaanka oo soo xiray tababar ku saabsan Xiririinta iyo Qiimaynta Mashaariicda ay wadaan qaarkamid ah hay’adaha wasaarada la shaqeeya.

2nd August 2019 at 10:18 am By

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa soo xiray shir kusaabsanaa xiriirinta iyo qiimaynta Mashruuca Cunto lacag ku badalashada oo ay wadaan wasaaradd Deegaanka iyo hay’adda FOA waxaana shirkaan kasoo qaybgalay hay’adda mashruucaan wasaaradda la wada.

Ururada maxaliga ah ee fuliya mashruucan iyo xubno kale. Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay dib u habaynta mashruucan, balaarinta degmooyinka uu ka shaqeeyo iyo arimo kale oo muhiim ah.

Tababarkaan waxaa sidoo kale xiritaankiisa ka qaygalay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane, Maxamed Xasan Ciise iyo agaasimaha Guud mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.

Leave a Reply