0

Dhacdoyinka / Warka

Wasiirka Deegaanka oo xariga ka jaray Biyo Xireen cusub.

20th July 2019 at 8:33 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, DPL mudane, Ismaaciil Diiriye Gamadiid agaasimaha guud ee wasaaradda, Agaasimaha wasaarada Qorshaynta iyo iskaashiga caalmiga ah ee Puntland, xildhibaano iyo xubno kale oo katirsan dawlada Puntland ayaa xariga ka jiray War-Biyood ay hay’adda Salaam Development center “SDC” oo kaashanaysa bulshada Deegaanka Ilma-adeer iyo Hay’ada WFP ka sameeyeen isla deegaanka Ilma-Adeer oo ka tirsan degmada Garoowe ee caasimada Puntland.

War-taan ayaa loo dhisay qaab casri ah waxaana la filayaa inay qaybwayn ka qaadato howlaha looga hortagayo biyo-yarida, abaarta iyo haraadka bulshada soo wajaha xiliyada jiilaalka iyo Diraacda ah.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Ismaaciil Diiriye oo xariga ka jaray Wartaan ayaa ugu baaqay in ay bulshadu ilashato Biyaha loo qabtay islamarkaasna ay sifiican u maamulaan habka cabida biyaha, faya-dhowrkooda iyo ka qaybgalinta Ugaarta iyo duurjoogtu inay wax ka cabaan Biyaha.

Leave a Reply