0

Dhacdoyinka / Warka

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Beeraha oo kormeeray Beeraha Laacdheere iyo Rabaable ee gobolka Nugal.

17th August 2019 at 7:42 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL mudane, Ismaaciil Diiiriye Gamadiid oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa kormeer ku sameeyey xarumo kaladuwan oo ay leeyihiin Iskaashato Beeralay Deegaanada Laacdheere iyo Rabaable oo katirsan degmada Garoowe.

Waftiga ayaa booqday habka ay u shaqeeyaan Iskaashatooyin Beeralay ah oo ka jira deegaanadaas kuwaas oo hay’ada Salaam Development Center “SDC” iyo WFP ay ka caawiyaan habka wax soo saarka, Iskaashatooyinkan ayaa ah ugu ugu badan ee Qudaarta iyo dalagyada kaladuwan u suuqgeeya magaalada Garoowe.

Leave a Reply