0

Warka

Xarunta xakamaynta Ayaxa ee Soomaaliya oo laga dhagax dhigay Qardho.

5th February 2020 at 7:24 am By

Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar gaaray wafti isugu jiray wasiirada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL, wasiirka Beeraha ee Soomaaliya iyo madax ka socotay hay’adda beeraha aduunka ee FAO kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho.

Waftigaan oo ay wehelinayaan maamulka gobolka Karkaar, xildhibaano katirsan dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan golaha wakiilada ee Puntland iyo maamulka degmada Qardho ayaa dhagax dhigay xarunta La dagaalanka iyo Caabinta Ayaxa ee guud ahaan gobolada Soomaaliya iyo xarun aag u gaar ah oo lagu xanaaneeyo loogu samayn doono duurjoogta.

Leave a Reply